Wareysi ku saabsan Mashruuca QEF oo lala yeeshey Axmed Dawlo
Last Updated (Tuesday, 30 November 1999 00:00) Written by wareerey Thursday, 18 September 2008 16:33
Waa maxey mashruucan waxbarashada, sidee loo maamulaa, yaa utaagan, hadafkiisu waa maxey, maxuu u baahanyahey iyo su aale kale oo badan waxaan wareysi dheer oo meelo badan taabanaya boggan xaajo layeeshey guddoomiyaha mashruuca horusocod ee saldhiggiisu yahey dalka Maraykanka Mudane Axmed Cabdi Haybe. Wareysigan ayaan usoo celiney codsi dadweyne dartiis. Waxuuna wareysigu ku billoowdey sidan:
Ku soo dhawoow bogga xaajo.com adigoo mahadsan.Jawaab: Guddoomiye Haybe idinkaa mudan, waana dhawahay.
XOL: Waxaad nooga warantaa taariikhda mashruuca Horuscod, yaa maamula?
Jawaab: Mashruuca Horumarinta Waxbarashadda ee Magaaladda Qabridaharre waxaa hadal hayntsiisa aan bilownay dhammaadkii bishii Febraayo, 2004, Hase ahaatee, waxaa si rasmi ah loo bilaabay bishii Juunyo, 2004. Waxaa lagu aasaasay magaaladda San Diego, California ee dalka Maraykanka, kedib markii uu Asad Cabdirisaaq ka soo laabtay magaaladda Qabridaharre ee uu warbixinta keenay. Mashruucu dalalka uu ka shaqeeyo oo kala ah magaalooyinka San Diego, Minneapolis, Denver, oo waddanka Maraykanka ku yaal iyo Koonfurta Afrika guddiyada ka jira iyo wakiilka mashruuca ee dalka Itoobiya ayaa maamula. Aniga ayaana Guddoomiye ama Iskuduwe u ah. XOL: Waa maxay ujeeddada ugu danbeysa ee mashruucan?
Jawaab: Ujeeddada ugu dambeysa ee mashruucanu waa in la qalabeeyo iyo in tayada dugsiyada magaaladda Qabridahare sare loo qaado ilaa heer dugsi Preparatory oo ah fasalada 11aad iyo 12aad ilaa iyo heer jaamacadeed. In tirada ardeyda fasalada ku jirta oo hada dhan 100 ardey in ka badan la yareeyo oo dugsiyo cusub la dhiso. In deegaanka gobolka Qorraxey mashruuca laga gaadhsiiyo iyo in wada shaqeyn iyo iskaashi lala sameeyo gobolada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee mashruucan oo kale uu ka socdo.
XOL: Waxaan la soconaa in mashruucani uu meelo badan gaadhey gaar ahaan jaaliyadaha Qabridahare ee dunida ku kala nool, sidee hawlahan loo kala wadaa?
Jawaab: Qarnigan aynu ku jiro aaladaha isgaadhsiinta ee casriga ah ayaa sahashey hawlaha dunidda dacaladeeda ku kala baahsan in la fuliyo. Tusaale ahaan, hawlwadeenada mashruuca oo dhan waxay ku wada jiraan danab-side (server) ay ku kala war qaataan, fikradahana isku weydaarsadaan. Guddoomiyaha ama isku-duwaha ayaa isku dubarida.
XOL: Taageerada laga helo bulshada ee dhaqaale ma tahay mid waqtiga dheer hawsha wadi karta oo lagu hiran karo mise waa laablakac?
Jawaab: Mashruucan wax laablakac ah laguma aasaasin, wax laga fekeray ayey ahayd oo intii aan la bilaabin cilmi-baadhis lagu sameeyey. Taageerada dhaqaale ee bulshadu had iyo jeer waa lagama maaraan.
XOL: Ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo gudaha dalka iyo dibada ka soo Wajahay mashruucan intii uu hirgalay?
Jawaab: Maya. Ilaa iyo hada wax dhibaato ah oo aan sheegno mashruucu lama kulmin. Meel kasta oo arrintiisa lagu soo qaadana dadku taageero dhaqaale, mid xoog iyo mid niyadeed ayey diyaar ula yihiin.
XOL:Ma jiraan Wax hay'ada oo caalami ah ma waddanka USA ama gobolka aad joogtaan ama ururo kale oo samafaleed oo aad kala kaashateen xag dhaqaale talo iyo tab midna?
Jawaab: Waa maya. Wejigii koowaad ee mashruucanu wuxuu ahaa is tijaabin iyo is barasho xubnaha hawsha u guntaday. Hada, ayaan ku gudo jiraa sidii ha’ayad samafal ah oo dal kasta hal magac kaga shaqaysa inaan sameyno. Meel wanaagsan ayeyna ariintaasi noo mareysaa.
XOL: Mashruuca Horusocod marka la maqlo waxaa dadka u soo muuqda dhawr ruux oo aad adigu horeyso, marka tiro intee dhan ayaa xubno ka ah mashruucan?
Jawaab: Marka hawl la wado inta badan waxaa la maqlaa dadka ay saxaafadu magacyadooda qorto. Mashruucanu wuxuu si xawli badan ugu baahan dunidda dalacadeeda oo ay jaaliyadaha Reer Qorraxey deggan yihiin. Ilaa iyo hada tirada rasmiga ah ee hawlwadeenada mashruuca waxay dhan yihiin 40 xubnood, waxayna ku kala sugan yihiin waddamo iyo qaarado kala duwan.
XOL: In kastoo ay tahay hawl aad u fiican loona baahnaa, hadana dad badan ayaa isweydiiya sababta keentey in xilligan la hirgaliyo mashruucan oo aan mar hore loo sameyn maaddaama oo ay baahidu jirtay waligeed?
Jawaab: Baahidu mar walba way jirtay. Hase ahaatee, Illaahay Subxaana Wa tacaalaa ayaa qaddarey inay markaas uun bilaabato, oo ay koox yar uun hormuud u noqoto.
XOL: Sidee hawsha looga maamula gudaha iyo Qabridahare yaa u taaganhirgalinta mashruuca maaddaama oo dadka intooda badani dibadaha joogaan?
Jawaab: Engineer Cabdulaahi Ibraahim Caydiid (Bucul) oo ka mid ah aasaaseyaashii mashruuca ayaa dalka gudihiisa mashruucan u jooga oo wakiil u ah. Mashruuca ayaana si buuxda u shaqaaleeyey. Hawlihiisa waxaa ka taageera guddiyo ka dhisan magaalooyinka Qabridaharre iyo Jigjigga.
XOL:.Anigoo filaya inaad mashquul tahey hawshan ay tahey iskaa-wax-u-qabso side isugu waddaa hawlahan?
Jawaab: Qof kasta wuxuu niyad u hayo oo daacad ka yahay wuu u hagar baxaa. Hawlaha mashruuca oo wakhtiba wakhtiga ka dambeeya sii kordheya waxaan badanaaba qabtaa, marka aan shaqada ka baxo kedib iyo labada maalmood ee shaqada laga nasto oo ah maalmaha Sabtida iyo Axada.
XOL: Mashruucan oo ah kii koowaad ee noociisa ah ee dhulkii ka hirgala aad ayaa loogu diirsadey, maxaa talo ah oo aad dadweynaha deegaanka iyo qurba joogta u sheegi lahayd?
Jawaab: Runtaa weeye in hawlgalka mashruucan lagu diirsadey, dalka dibediisa iyo gudihiisaba. Waxaan dadweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya u sheegayaa kuna dhiirigelinayaa inay mashruucan ku daydaan. Waxaan kaloo ku faraxsanahay, nasiib wanaagna ah in jaaliyadaha dibedda qaarkood ay durba tallaabooyin tan la mid ah qaadeen. Jaaliyadahaas waxaa ka mid ah kuwa ka soo jeeda magaalooyinka Fiiq, Shilaabo, Godey iyo tuulada Burqo-yar. Waxaanan ku rajo weynahay inaan mustaqbalka wada shaqeyn iyo iskaashi yeelano.
XOL. Mashruucan Waxbarashadda ee aad hawlihiisa u istaagteen ma magaaladda Qabridaharre oo keliya ayuu ku eg yahay, mise inaad deegaanada kale gaadhsiisaan ayaad rabtaan?
Jawaab: Mahruucan waxaan ku bilownay magaaladda Qabridaharre, hase ahaatee, waxaan mustaqbalka ku talo jiraa in tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Qorraxey aan wada gaadhsiino, hadduu Eebbe yidhaahdo, kedibna dallad guud la sameysano degmooyinka kale ee deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya.
XOL. Ma jiraa cid gooni ah oo aad rabto inaad meeshan ka xusto oo aadis leedahay way mudan yihiin in la xuso xaga mashruuca iyo taageeridooda?
Jawaab: Haa. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ku xuso qaar ka mid ah jaaliyadihii iyo aaladihii warbaahinta ee sida hagar la’aanta ah mashruucan u taageeray. Waxayna kala yihiin:-
i) Jaaliyadaha magaalooyinka San Diego, Minneapolis, Denver oo ku yaal dalka Maraykanka iyo jaaliyada Reer Koonfur Afrika. Jaaliyada iyo guddiga reer Koonfurta Afrika si gaar ah ayaan amaan iyo boogaadin ugu soo jeedinayaa. Iyo jaaliyadaha Sacuudiga, Ingiriiska, Norway, Sweden, Newzeland, iyo Awstralia way mahadsan yihiin.
2. Wakiilka Mashruuca ee Itoobiya Engineer Cabdullaahi Ibraahim Caydiid (Bucul) oo isagu ceelka guntiisa ku jira, hawshuna ay inta badan ku dhacdo.
3. Waalidiinta, maamulka waxbarashadda iyo maamulka deegaanka Qabidaharre. Iyo weliba ganacsatada, aqoonyahanada, shaqaalaha iyo isimada reer Qorraxey ee magaalada Jigjigga ku sugan.
4. Mudane Maxamed Cadow, weriye BBC London laanteeda af Soomaaliga ka tirsan dhibaatada waxbarashadda Idaacada si lama illoobaan ah uga baahiyey; Maxamed Xuseen (Shiino) oo ka tirsan Somali TV Minneapolis, Cabdiraxmaan Kaahin oo ka mid ah Eagle Media Productions, Minneapolis, USA. Mareegaha ama shabakadaha Internetka ee Soomaalida oo kala ah Somalitribune, Wardheernews, SomaliHerald, Somalidu, Somaliweyn, Haboon Magazine, Kilil5, SomaliState, Qalaafe, Godeynews, SomaliObserver, Hiiraan, San Diego City Schools Staff Bulletin iyo weliba Xaajo oo aan marna la illoobi Karin shaqooyinka ay mashruucan u hayso.
5. Marwada Horjoogaha shaqada iigu ah oo la yidhaahdo Ana Morales, San Diego City Schools, oo si aad iyo aad ah iigu dhiirigelisay in aanan hawsha mashruuca ka daalin.
XOL: Mashruucan Waxbarashadda ee aad hawlihiisa u istaagteen ma magaaladda Qabridaharre oo keliya ayuu ku eg yahay, mise inaad deegaanada kale gaadhsiisaan ayaad rabtaan?
Jawaab: Mahruucan waxaan ku bilownay magaaladda Qabridaharre, hase ahaatee, waxaan mustaqbalka ku talo jiraa in tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Qorraxey aan wada gaadhsiino, hadduu Eebbe yidhaahdo, kedibna dallad guud la sameysano degmooyinka kale ee deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya.
12. Waad mahadsan tahay waqtigaaga iyo dadaalkaaga.
Jawaab: Maamulka Xaajo aad iyo aad ayey ugu mahadsan yihiin fursadan qaaliga ah ee ay i siiyeen.
QEF
Qabridahare.com
Saturday, August 1, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment